Maraykanka oo kharash ku bixinaya tababarka ciidanka booliska Somalia

Image

01 Octoer, 2015(GO)-Dowladda Maraykanka ayaa lacag gaaraysa 1 milyan oo doolar ku kharash garaynaysa tababar iyo qalabayn la siinayo ciidamada booliiska dowladda Federaalka Somalia iyo Puntland.

Shir lagu kala saxiixanayay hishiis ay wada gaareen labada dhinac, ayaa shalay ka dhacay magalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya oo ay goob joog ka ahaayeen madax ka socota Dowladda Federaalka Somalia.

Taliyaha ciidanka booliiska Puntland Cabdirasaaq Maxamud Afgaduud oo waraysi siiyay Idaacadda BBC-da ayaa sheegay in arrintan looga dan leeyahay sidii kor loogu qaadi lahaa tayada ciidamada Puntland gaar ahaa booliiska.

Waxaa uu tilmaamay inay wadaan dadaalo lagu doonayo hagaajinta ciidanka ee dhanka tayada, aqoonta iyo qalabka.

Mar wax laga weydiiyay ujeedka kharashka intaa le'eg Maraykanku ugu bixinayo ayuu sheegay inaysan garan karin, balse ay ka raacayaan dantooda, wuxuuna ku tilmaamay inay qayb ka tahay taageero markasta uu siiyo wadamada saaxiibka la'ah.

Ciidanka la tababarayo, ayuu xusay Taliyuhu inay ka qayb qaadanayaa adkaynta amniga, joojinta tahriibta iyo Burcad Badeeda.

Afgaduud, ayaa dhawr jeer oo hore sheegay inuu tayayn doono ciidanka booliiska inta uu xafiiska joogo, waxaan tababarka ciidanka Puntland mid la mid ah la siin doona kuwa Somalia, sida lagu shaaciyay shir ka dhacay Nairobi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni: Dalal Shisheeye ayaa doonaya inay Burcad-badeednimada u Adeegsanaya Boobka Khayraadka Puntland

Deni ayaa sidoo kale xusay hawlgalladii hore ee ciidamada badda ee dalalka shisheeye ay ka fuliyeen xeebaha Soomaaliya.

  • Puntland

    31-08-2026

  • 06:09AM

Dhulgariir cabbirkiisu yahay 6.0 oo ka dhacay xeebaha Puntland

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in dadka dhulka ku nool aysan dareemin gariirka, sababo la xiriira fogaanta uu dhulgariirku ka dhacay.

  • Puntland

    30-08-2026

  • 11:53AM