Maraykanka oo soo dhoweeyey heshiiskii DFS iyo PL

Image

October 16, 2014- Dowladda Maraykanka ayaa soo dhoweysey heshiiskii labo maalmood kahor Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Puntland ku kala saxiixdeen magaalada Garowe.

Qoraal kasoo baxay Wasaarada Arimaha Dibadda Maraykanka ayaa lagu sheegay in wakiilka USA u jooga Soomaaliya James P. McAnulty si diiran usoo dhoweeyey heshiiskii October 14 lagu saxiixay Garowe.

James P. McAnulty ayaa ku tilmaamay 12-ka qodob ee heshiiskaasi ka koobnaa kuwo bud-dhig u noqon doona dhismaha qaranka Soomaaliyeed isagoo dhanka kale u mahadceliyey cid kastoo gacan ka geystay in heshiiskaas la gaaro. Si gaar ah wuxuu ugu mahadceliyey Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo IGAD.

"Anagu [Maraykanka] waxan soo dhoweyneynaa in labada dhinac wada-shaqeyntooda xoojiyeen si taas loogaga faa'iideysto hanaanka lagu dhisayo qaranka horayna loo socda bilaha soo socda si dib u habeyn iyo dhameystir loogu sameeyo dastuurka loona damaanad qaado in doorashado dhacdo sanadka 2016" qoraalka Wasaarada Arimaha Dibada Maraykanak kasoo baay ayaa sidaas lagu yiri.

Ugu dambeyntii waxay Dowlada Maraykanku sheegtay inay sii wadi doonto taageerada ay siiso Dowlada Federaalka iyo Puntland si loo horumariyo xasiloonida iyo dhismaha dowladnimada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM

Madaxweynaha Puntland: Ma Jiraan Xuduudo Laga Leexin Karo Dastuurkeena 1998

Doodda ka dhalatay maamulka cusub ee laga dhisay Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa hore u abuurtay xiisado siyaasadeed.

  • Puntland

    17-08-2025

  • 09:43AM