Mareykanka oo howlgal gaar ah ka fuliyay Buuraha Calmiskaad, Puntland
NAIROBI, Kenya – Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa xaqiijiyay howlgalkii Jimcaha lagu qaaday dagaalyahannada ISIS, kaas oo qeyb ka ah dadaallada lagu doonayo in looga saaro kooxahan deegaannada istiraatiijiga ah ee gudaha Puntland.
Mareykanka ayaa ah iskaashi dhow la leh Soomaaliya dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada, iyadoo lixdii bilood ee la soo dhaafay dowladda Mareykanka ay si dhow ula shaqeysay maamulka Puntland oo sidoo kale howlgalada ka waday kooxda ISIS.
Taliska Mareykanka ma bixinin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan howlgalka, hase yeeshee waxay sheegeen in howlgalku dhacay Jimcaha, iyaga oo ballan qaaday in ay sii wadi doonaan taageerada dowladda Soomaaliya iyo ciidamada si loo baabi’iyo awooda kooxaha argagixisada.
"AFRICOM, oo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxay sii wadaysaa inay qaado tallaabooyin lagu daciifinayo awoodda ISIS-Somalia ee ku aaddan qorsheynta iyo fulinta weeraro khatar ku ah Mareykanka, ciidamada Mareykanka iyo muwaadiniinteena dibadda," ayaa lagu yiri qoraalka AFRICOM.
In kasta oo aysan faahfaahin dheeraad ah ka bixin unugyada iyo qalabka loo adeegsaday howlgalka, maamulka Puntland ayaa hore u sheegay in howlgalku uu sababay in la qabto Abdiweli Maxamed Yuusuf oo loo yaqaan Walalac.
Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in Yuusuf uu yahay taliye sare oo ISIS ah, isla markaana uu isku xirayay howlgalada kooxda ee gobolka Bari ee Puntland, isagoo sidoo kale ka masuul ah shaqaaleynta ajaanibta iyo maaliyadda kooxda.
Maamulka Puntland ayaa intaa ku daray in howlgalku uu yahay mid wali soconaya, iyaga oo raad joog ah ku haya dagaalyahanada kooxda ISIS ee baxsaday.
"Abdiweli Maxamed Aw Yuusuf (Walalac), oo ah masuulka xiriirka dibadda iyo maaliyadda ISIS, ayaa lagu qabtay Laag, Xumbeys, isaga iyo labo kale. Howlgalkan waxaa fuliyay Puntland oo ay taageerayaan saaxiibada Mareykanka ee hawlgallada ka dhan ah argagixisada," ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay maamulka Puntland.
Maamulka ayaa sidoo kale sheegay in howlgalka uu ku dhow yahay inuu soo gaaro marxaladdiisii ugu dambeysay, iyadoo weli la raadinayo dagaalyahanada iyo hogaamiyeyaasha ISIS ee ka baxsaday buuraha Calmiskaat.
— GAROWE ONLINE