Mareykanka oo Mar Labaad Bishan Duqeyn Ka Geystay Buuralayda Cal-Miskaad ee Puntland

Image

BOSASO, Soomaaliya – Mar labaad bishan, Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa xaqiijiyay duqeyn cirka ah oo ka dhacday buuralayda Cal-Miskaad ee gobolka Bari, taasoo qeyb ka ah dadaalkooda ay ku caawinayaan Puntland dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

War-saxaafadeed kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay inay duqeyn ka geysteen dhulka buuraha ah, oo ay ku beegsadeen xubno muhiim ah oo kamid ah Kooxda.

Duqeyntii ayaa lagu dilay laba xubnood oo ka tirsan Daacish, hase yeeshee magacyadooda lagama soo saarin. Sidoo kale, AFRICOM waxay xaqiijisay in howlgalku aysan waxyeello u geysan rayidka, iyadoo si fiican loo xaqiijiyay in tillaabooyin taxadar ah la qaaday.

"AFRICOM waxay sii wadi doontaa qiimeynta natiijada howlgalkan waxayna bixin doontaa macluumaad dheeraad ah waqtiga ku habboon," ayaa lagu yiri qoraalka. 

Bilowgii bishan, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa xaqiijiyay inuu ka warqabay howlgal duqeyn ah oo ka dhacay Puntland, wuxuuna sidoo kale shaaca ka qaaday geerida weerar qorsheeye ka tirsan Daacish oo mas'uul ka ahaa isku xirka howlaha weerarada dibadda.

AFRICOM ayaa si dhow ula shaqeyneysa Ciidamada Amniga Puntland si loo xoojiyo amniga guud ee gobolka, gaar ahaan meelaha kooxda Daacish ay ka joogaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM