Markab sida qalabka lagu dhisayo Bander Qasim Airport oo Bosaso kusoo xirtay

Image
Image
Image
Image

October 15, 2014 (GO)- Markab sida qalabka lagu dhisayo Bender Qasim Airport ayaa maanta kusoo xirtay dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Markabkaas oo lagu magacaabo Oriental Queen Zanzibar wuxuu saaran shixnad gaareysa kumanaan tan una badan qalabka dhismaha iyo gaadiidka birta culus ee loo adeegsado mashaariicda dhismaha.

Xiligii markabkaasi dekedda kusoo xiranayey waxaa dekedda ku sugnaa mas'uuliyiinta ugu sareeya maamulka gobolka Bari, maamulka degmada Boosaaso, injineero ka socdey shirkada dhiseysa garoonka iyo xubno metelayey qaybaha kala duwan ee bulshada.

Agaasimaha Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Amiin Xaaji Cabdulaahi oo dekeda dhexdeeda warbaahinta kula hadlay, ayaa sheegay in dhismaha garoonka sida ugu dhaqsaha badan loo bilaabi doono.

Garoonka Bosaso oo dib u habayn iyo ballaarin lagu sameynayo islamarkaana yeelan doona dhabaha diyaaradaha waaweyni kusoo degaan, waxaa mashruuca lagu dhisayo ku guuleysatay shirkad laga leeyahay dalka China laguna magacaabo CCECC.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni: Dalal Shisheeye ayaa doonaya inay Burcad-badeednimada u Adeegsanaya Boobka Khayraadka Puntland

Deni ayaa sidoo kale xusay hawlgalladii hore ee ciidamada badda ee dalalka shisheeye ay ka fuliyeen xeebaha Soomaaliya.

  • Puntland

    31-08-2026

  • 06:09AM

Dhulgariir cabbirkiisu yahay 6.0 oo ka dhacay xeebaha Puntland

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in dadka dhulka ku nool aysan dareemin gariirka, sababo la xiriira fogaanta uu dhulgariirku ka dhacay.

  • Puntland

    30-08-2026

  • 11:53AM