Marxuum Xildhibaan Cali Axmed Maxamuud oo Aad Qaran loogu sameeyay Garowe

Image
Madaxweynaha Dowladda Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qeybgalay duugta marxuumka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Abdirisak Ahmed Said oo ay wehliyaan Ku-xigeenka 1-aad Mudane Hon Mohamed Baarri Shire iyo Ku-xigeenka 2-aad Hon Mohamed Mohamoud Isse, ayaa ka qayb galay Aas qaran oo loo sameeyay Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cali Axmed Maxamuud oo ka tirsanaa Baarlamaanka 6-aad ee Puntland oo Ku geeriyooday shil gaari.

Sidoo kale waxaa ka qayb galay Aaska qaran Madaxweynaha Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweyne ku-xigeenka Ilyaas Lugatoor, Xildhibaano, Wasiiro, Suldaaan Maxamed Suldaan Cabdillaahi Cartan, ehelka Xildhibaanka iyo Dadweyne badan..

Guddoomiyaha oo Aaska kadib si kooban warbaahinta ula hadlay ayaa ka Tacsiyeeyay geerida Ex-Xildhibaan Cali Tabliiq, wuxuuna Alle uga baryay marxuumka inuu janadii geeyo, ehelka, saaxiibada iyo guud ahaan Dawladda Puntland samir iyo iimaan ka siiyo, Amiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM