Mas'uuliyiin ka tirsan Somaliland oo lagu xiray gobolka Sanaag

Image

18 Octobar, 2015(GO)-Ciidamo taabacsan Puntland, ayaa maanta ka kaxaysta tuulada Yubbe oo 50-km bari ka xigta magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Somaliland.

Dadka la kaxaystay, waxay deegaanka u yimaadeen wacyigalin ku saabsan doorashada maamulka Somaliland.

Guddoomiyihii gudiga doorashooyinka Somaliland ee gobolka Sanaag Axmed Cali Biixi, xildhibaan Qamar Taleex oo ka tirsan golaha deegaanka degmada Ceerigaabo iyo shan kale oo laba yihiin darawallada laba gaari ee ay wateen madaxdaasi ayaa la sheegay in loo kaxaystay degmada Badhan ee isla gobolkaasi.

Gudoomiyaha Sanaag ugu magacaaban Somaliland Axmed Cabdi Fly ayaa BBC-da u sheegay mas'uuliyiintaasi lageeyay magalada Baran ee isla gobolkaasi.

Xildhibaan Qamar Taleex ayaa xoriyadeeda dib u heshay, waxayna laanta Afka Somaliga ee BBC-da u sheegtay in odoyaasha deegaanku wadaan sidii loo soo dayn lahaa mas'uuliyiinta ka xiran.

Arrintan ayaa loo malaynayaa inay xiriir la leedahay muranka dhanka deegaanka ee u dhaxeeya maamullada Puntland iyo Somaliland.

Ilaa hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM