Mashruuc lagu dhisayo jidka xiriiriya Garowe iyo Galkacayo oo la furey

Image
Image
Image
Image
Image

March 11, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta daah furey mashruuc lagu dayactirayo jidka isku xira magaalooyinka Garowe iyo Galkacayo.

Mashaaruucan oo lacag dhan 21 milyan ku bixi doonto, waxaa 18 kamid ah ku deeqay Midowga Yurub halka saddexda kalena ay Dowladda Germany bixisey waxaana dhaqaalahaas lasoo marsiinayaa Hay'adda Iskaashiga Caalamiga ah ee Germany GIZ.

Munaasbad lagu daah furayey mashruucan waxaa kasoo qayb galay Madaxweyne Gaas, Ergeyga Midowga Yurub ee Soomaaliya Michele Cervone d'urso  iyo safiirka Dowladda Germany u jooga Soomaaliya Andreas Pesxhke.

Xafladda waxaa sidoo kale kasoo qeyb galay wasiirro, xildhibaanno, isimmo, aqoonyahan, mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Nugaal iyo marti sharaf kale oo laga casumey qaybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweyne Gaas oo munaasabadda si kooban uga hadlay ayaa sheegay in mashrucani yahay mid waxtar u leh bulshada Puntland kaasoo hirgelintiisa muddo dheer lagu taamayey balse dhaqaale ku filan loo la'aa.

Michele Cervone ayaa isna sheegay in Midowga Yurub ay ka go'an tahay inuu sii dardar geliyo taageerada uu siiyo Puntland, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyey in barnaamijkani sida loogu talo galay u fuli doono.

Mashruuca maanta la daah furay ayaa lagu dayactiri doonaa meelaha waddadu ka burbursan tahay ee ku yaalla inta u dhexeysa magaalooyinka Garowe iyo Galkacayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM