Mashruuca dhismaha garoonka Bosaso oo si rasmi maanta loo furay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

December 4, 2014 (GO)- Waxaa maanta si rasmi ah xarigga looga jaray mashruuca lagu ballaarinayo garoonka diyaaradaha Bender Qasim ee magaalada Bosaso.

Xafladda furitaanka waxaa kasoo qayb galay Madaxweynaha Puntland, safiirka Dowladda Talyaaniga u jooga Soomaaliya, saraakiil ka socda UNOPS, isimo iyo xubno metelayey qaybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweyne Gaas oo isagu si rasmi ah mashruuca u daah furay ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin taariikhi ah kuna weyn dadka Soomaaliyeed gaar ahaan umadda reer Puntland oo muddo dheer sugayey.

Gaas ayaa dhanka kale u mahadceliyey Dowladda Talyaaniga oo iyadu bixisay inta badan dhaqaalaha ku baxaya mashruucan iyo Qaramada Midoobay oo fulineysa, isagoo ku booriyey bulshada reer Puntland inay isku duubnaadaan islamarkaana ogaadaan in haddii gacamaha is qabsadaan ay wax badan qabsan karaan.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay safiirka Dowladda Talyaaniga, mas'uuliyiin ka socdey hay'adda UNPOS iyo qaar kamid ah isimada iyo waxgaradka gobolka Bari, iyagoo sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin muddo dheer kadib maanta in la bilaabayo mashruuca.

Mashruuca lagu balaarinayo garoonka Bosaso waxaa soo bilowday dowladdii hore ee Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Farole hogaaminayey, taasoo dadaal badan u gashay sidii Puntland u heli lahayd garoon caalami ah awoodna uleh in diyaaradaha waaweyni kusoo degi karaan.

Bender Qasim Airport wuxuu haddii dhismihiisa lagu guuleysto noqon doonaa garoonka ugu casrisan uguna ballaaran guud ahaan gegooyinka diyaaradaha ee ka jira Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM