​Mas'uul katirsan Madaxtooyada Puntland oo dhaawacmay

Image

GAROWE, Puntland- Agaasimaha maamulka Madaxtooyadda Puntland ee magaalada Garowe, ayaa galabta goor gaaban ku dhaawacmay shir gaari oo ka dhacay duleedka caasumadda Puntland, sida ay xaqiijiyeen mas'uuliyiin katirsan dowladda.

 Cabdinaasir Maxamuud Gurey ayaa Salaaddii Maqrib ka hor ku dhaawacmay shil gaari oo ka dhacay agagaarka Kantaroolka Garowe xilli isaga iyo shakhsiyaad kale ay marayeen wadada dhinaceeda iyagoo luganaya.

Goob joogayaal ayaa cadeeyay in mas'uulkan iyo qof kale oo la socday uu ku ag rogmaday baabuur safar ahaa, waxaana soo gaaray dhaawac sahlan.

Dhaawaca Agaasime Cabdinaasir ayaa la gaarsiiyay  Cusbitalka  guud ee magaalada Garowe.

Ma jirto wax war ah oo ilaa hadda kasoo baxay mas'uuliyiinta dowladda.

Inta badan xilliyada galabtii mas'uuliyiinta dowladda ayaa socod jimicsi ah uga baxa caasumadda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo baaraysa gacmo shisheeye oo lala xiriirinayo kororka burcad-badeedda

Puntland waxay sheegtay in duqeymaha noocaas ahi ay dhaawici karaan iskaashiga…

  • Puntland

    21-08-2026

  • 07:55PM

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM