​Mas'uuliyiin ka hadashay weerarka Galkacyo

Image

GAROWE- Mas'uuliyiin katirsan xukuumadda iyo saraakiisha ammaanka Puntland, ayaa ka hadlay Qaraxii xooggana ee saaka ka dhacay xarunta gobolka Mudug ee Galkacyo, waxayna tacsi u direen dhammaan intii ku waxyeloowday falkaasi oo ay ku tilmaameen fal waxashnimo ah.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, Afhayeenka Barlamanka Axmed Cali Xaashi iyo xubno katirsan wasaaradaha arrimaha gudaha iyo amniga Puntland, iyagoo inta dhaawacantay ALLE uga baryay inuu u boogga dhayo.

Dhinaca kale wasiirrada Arrimaha Gudaha iyo Amniga Puntland, Axmed Karaashoi iyo Cabdi Xirsi, ayaa shir jara'id oo warbaahinta ugu qabteen warbaahinta, waxay ku sheegeen in arrintaasi saamayn ku yeelan doono xasiloonida Puntland, waxayna shacabka ugu baaqeen inay ka shaqeeyaan nabad galyada laamaha ammaankana kusoo wargaliyaan cid kastoo ku tuhmaan falal amni darro.

Mulkiilayaasha Gawaarida iyo Hotellada ayay ugu baaqeen inay ka digtoonaadaan mati galinta iyo qaadista cid aysan xog ka hayn iyagoo ku wargaliyay ciddii arrintaasi lagu helo in sharciga la gayn doono.

Waxay intaasi raaciyeen in lagu raad joogo ciddi ku  lug lahayd weerarkii ka dhacay magalada Galkayco.

Qaraxan ayaa laga dareemay guud ahaan Puntland, waxaana uu noqday hadal haynta ugu badan, waxaana weerarkan oo sheegatay kooxda Shabaab kusoo beegmay xilli dhawaan lagu jabiyay dagaallo ka dhacay Mudug iyo Nugal

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Puntland oo Qaabilay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya

Sidoo kale, kulanka waxaa si gaar ah looga hadlay hawlgalka ka dhanka ah argagixisada ee ka socda deegaanka Calmiskaad.

  • Puntland

    26-08-2025

  • 12:15PM

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM