​Mas'uuliyiin lagu dhaariyay Magaalada Garowe

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Waxaa maanta 27 November 2016 xarunta madaxtooyada ee Garowe  lagu dhaariyey wasiir kuxigeenka  Wasaaradda Maaliyadda Puntland Maxamed Jibriil Caateeye iyo xubin ka tirsan Maxkamadda sare oo lagu magacaabo Maxamed Cumar Axmed.

Goobta dhaarinta, waxaa ku sugnaa Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey, masuuliyiin ka tirsan maxkamada sare iyo qaar kamid ah saraakiisha madaxtooyada.

Mudane Camay, ayaa dhaarinta kadib jeediyay hadal kooban oo mas'uuliyiinta u jeediyay ayaa kula dardaarmay inay shaqadooda si daacad ah u gutaan islamarkaana si hufan ugu adeegaan dalka iyo dadkoodaba.

''Waxaad qadeen mas'uuliyad weyn una baahan shaqo lixaad leh, waxaana laydinka doonayaa inaad xilkaasi siday tahay uga soo baxdaan idinkoo eegaya danaha shacabkiina iyo dalkiina, waxaana alleh idiinka baryayaa inuu idinku asturo masuuliyadda laydiin dhiibay,'' Ayuu yiri Camey.

Labada mudane ee la dhaariyay [Caateeye iyo Maxamed], ayaa goobta ka ballanqaaday inay si hufan ugu adeegi doonaan dadka iyo dalkaba islamarkaana ka fogaan doonaan wax kasta oo wax u dhimaya howshooda.

Digreeto, dhawaaan uu soo saaray Madaxweyne Gaas, ayaa xil loogu magacaabay Caateeye, oo laga dhigay wasiir ku-xigeenka Dakhliga, waxaana wasaaradda Maaliyadda sidaas ku yeealtay labo wasiir ku-xigeeen maadama uu horay Axmed Yaasiin booskaasi u joogay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo baaraysa gacmo shisheeye oo lala xiriirinayo kororka burcad-badeedda

Puntland waxay sheegtay in duqeymaha noocaas ahi ay dhaawici karaan iskaashiga…

  • Puntland

    21-08-2026

  • 07:55PM

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM