Masuuliyiin "loo diiday" in ay tagaan degaano dhaca Puntland

Image
Bulshada gobolkan ayaa la aaminsan yahay in ay ka gadoodsan yihiin talaabo ay qaadey xukuumada.

GAROWE, Puntland - Degaano ka tirsan gobalka Gaardafuu ee Puntland ayaa loo diiday in ay booqasho ku tagaan masuuliyiinta maamulka, wafdi wasiiro ay ku jiraan ayaana Garowe dib ugu soo laabtay.

Wasiir xigeenka Dekedaha Qaasim Maxamed Yuusuf iyo wafdigiisa ayaa, sidda ay wararku sheegayaan, waxay ay la kulmeen culeys kadib markii ay gaareen degmadda Baargaal ee gobalkaas.

Murcanyo oo uu isku dayay in uu tago ayaa, sidda xogta ay tilmaameyso, waxaa is-hortaagay maleeshiyaad hubeysan oo jidka u galay, waxaana taas ay keentay in wafdiga dib ugu laabto Baargaal.

"Labo wado oo kala ah Dhabaqo iyo Lafo-goray oo ah marinada degmooyinka gobalka Gaardafuu isku xira  marka dhulka lagu safrayo ayaa ay dageen maleeshiyo beeleedkan," ayay soo wariyeen illo wareedyo.

Bulshada gobalka Gaardafuu ayaa la aaminsan yahay in ay ka gadoodsan yihiin seejooyinka lagu saleeyay sohdimo aan heshiis lagu ahayn oo ay gudbisay wasaarada arimaha gudaha Puntland.

Talaabadaas waxaa fuliyey guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland kaasoo dhexdhexaadnimadiisa ay su'aal geliyeen qaybo kamid ah ururada siyaasadda iyo dadweynaha.

Hogaanka dhaqanka gobolka oo kasoo muuqdey warbaahinta ayaa dowladda uga dalbadeen in la saxo soohdimaynta "oo ah mid keenaysa iska horkeenka dadwayne haatan si nabad ah u wada nool".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo howlgal gaar ah ka fuliyay Buuraha Calmiskaad, Puntland

Taliye sare oo katirsan kooxda ayaa lagu qabtay, kaasoo la sheegay inuu u qaabilsanaa dhanka maaliyadda.

  • Puntland

    26-07-2025

  • 02:03PM

Puntland iyo Mareykanka oo Qabtay Hoggaamiye ISIS ah oo Cunaqabatayn Saarneyd

Sida lagu xusay warbixinaha, kooxda ayaa sanadkii 2022 ka heshay ku dhawaad $2 milyan oo baad ah, halka sanadkii ka horreeyay la sheegay inay ka heleen $2.5 milyan.

  • Puntland

    25-07-2025

  • 01:33PM