Maxaa ka soo baxay shirka Murshaxiinta madaxweyne & siyaasiyiinta Puntland?

Image
Shirka ayaa looga arrinsaday qaabka loo soo xulayo xildhibaanada baarlamaanka lixaad.

GAROWE, Soomaaliya - Musharixiinta u tartameysa xilka madaxtinimada Puntland ayaa maanta shir ku yeeshay magaalada Garoowe, iyaga oo uga hadlay isbedellada la xiriira go’aanka SSC-Khaatumo ee ka bixitaanka golahayaasha dowladda Puntland.

Shirka ayaa sidoo kale looga arrinsaday qaabka loo soo xulayo xildhibaanada baarlamaanka lixaad.

Sida aan xogta ku helayno, musharaxiinta ayaa soo dhaweeyay go’aanka Isimmada SSC-Khaatumo, isla markaana walaac ka muujiyay qaabka loo soo xulayo Xildhibaanada, iyaga oo laga dhursugayo inay war ka soo saaraan.

Dhanka kale, Madaxweynaha muddo xileedkiisa sii dhamaanayo Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka aamusay go’aanka SSC-Khaatumo ay uga baxeen hanaanka dowladnimo ee Puntland.

Deni ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu ku dhawaaqo musharaxnimadiisa Madaxweyne, taasoo saameyn ku yeelan doonta xaaladda siyaasadeed ee Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM