Maxaa ka soo baxay shirka Murshaxiinta madaxweyne & siyaasiyiinta Puntland?

Image
Shirka ayaa looga arrinsaday qaabka loo soo xulayo xildhibaanada baarlamaanka lixaad.

GAROWE, Soomaaliya - Musharixiinta u tartameysa xilka madaxtinimada Puntland ayaa maanta shir ku yeeshay magaalada Garoowe, iyaga oo uga hadlay isbedellada la xiriira go’aanka SSC-Khaatumo ee ka bixitaanka golahayaasha dowladda Puntland.

Shirka ayaa sidoo kale looga arrinsaday qaabka loo soo xulayo xildhibaanada baarlamaanka lixaad.

Sida aan xogta ku helayno, musharaxiinta ayaa soo dhaweeyay go’aanka Isimmada SSC-Khaatumo, isla markaana walaac ka muujiyay qaabka loo soo xulayo Xildhibaanada, iyaga oo laga dhursugayo inay war ka soo saaraan.

Dhanka kale, Madaxweynaha muddo xileedkiisa sii dhamaanayo Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka aamusay go’aanka SSC-Khaatumo ay uga baxeen hanaanka dowladnimo ee Puntland.

Deni ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu ku dhawaaqo musharaxnimadiisa Madaxweyne, taasoo saameyn ku yeelan doonta xaaladda siyaasadeed ee Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM