Maxaa lagaga hadlay shirkii golaha Wasiirada Puntland Khamiista

Image

BOSSASO, Puntland- Shirkii golaha xukuumada Puntland ee Khamiisla ahaa ee lagu qabtey magaalada Bosaso 5 May,2016 kasoo uu shir gudoominayey Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa laga hadlay arrimaha dhaqalaha ee sii xumaanaya.

Golaha xukuumada ayaa inta uu socdey kulankaan waxa ay eedeyn u soo jeediyeen wasaarada Maaliyada Puntland kadib markii muddo Lix bilood ah aysan qaadan kharashkii adeegyada ee shaqada kuwadi lahaayeen.

Sida wararka Garowe Online ku helayo kulankaan ayaa lagu soo bandhigey in dakhliga wasaarada Maaliyada Puntland u soo xeroon jirey hoos u dhac ku yimid 40% sababo lagu sheegey iney meesha ka baxdey ilaalintiisa.

Madaxweynaha Puntland oo shir gudoominayey kulankaan ayaa sida wararka ay sheegayaan markii wasaarada Maaliyada su'aalo badan la weydiiyey kadib uu ka dalbadey iney soo cadeeyaan sababta keentey hoos u dhacaan ku yimid dakhliga.

Dhinaca kale qoraal kasoo baxey kulankaan ayaa diirada lagu saarey kulan looga hadlayo Dastuurka Somalia kaasoo lagu qaban doono magaalada Garowe dabayaqada bishaan.

Eedeynta  golaha xukuumada u soo jeediyeen wasaarada Maaliyada Puntland ayaa imaaneysa maalmo kadib markii mudaharadyo lagaga soo horjeedo sicir bararka Puntland ka dhaceen magaalooyinka Garowe iyo Bosaso kuwasoo lagaga cabanayey lacagaha Shillin Somaliga ee lagu daabaco Bosaso iyo kuwa suuqyada ka soo gala degaano kale ee ka tirsan Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM