Maxaa sababey in Rai'sal wasaaraha Somalia ka baaqdo Galkacayo?

Image

Nov 26, 2015 (GO)-Ra'isal wasaaraha Somalia oo laga sugayey 25 Nov, 2015 magalaada Galgakacayo ayaa baaqdey iyadoo wararka kala duwan kasoo baxayaan dib u dhaca ku yimid safarkiisa.

Warsidaha Garowe Online oo baaritaan ku sameeyey sababta keentey in Ra'isal wasaaraha Somalia ka baaqsado safarkii uu ku imaan lahaa magaalada Galkacayo ayaa waxaa uu ogaadey in madaxweynaha Puntland uu la socodsiiyey ineysan jirin diyaargrow ku aadan sugida amnigiisa iyo halka u dagi lahaa.

Warsidaha Garowe Online ayaa sidoo kale fahansan in cududaarka madaxweyne Gaas la xiriirinayo diidmo siyaadasadeed ee ku aadan safarka Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashiid ee ku aadan xalinta colaada ka taagan magaalada Galkacayo xilli uu ku sugan yahay magaalada Garowe.

Wararka Garowe Online soo gaaraya ayaa sheegaya in Madaxweyne Gaas ka dalbaday Ra'isal wasaare Sharmake inuu Garowe yimaado marka hore.

Dhinaca kale warsidaha Garowe Online ayaa fahansan in maamulka Galmudug sheegey ineysan la kulmeyn Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashiid hadii uu ku soo hormaro maamulka Puntland isaga oo ksoo dagey garoonka diyaaradaha AHN Cabdulahi Yusuf.

Murankaan ku hareereysan imaanshaha Ra'isal wasaaraha dowlada Federaalka Somalia ayaa yimid kadib markii uu cirka isku shareerey khilaafka u dhexeeya dowlada Puntland iyo maamulka Galmudug.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM