Maxaa xigi doona go’aanka Musharaxiinta ee ku diideen ka qeybgalka doorashada Deni?

Image
Go’aanka Musharxaiinta ayaa ku soo beegmaaya xilli laga dareemaya magaalada Garowe qulqul ciidan.

Garoowe, Soomaaliya - Musharaxiinta Xilka Madaxeynenimada Puntland ayaa soo saaray warmuriteed ay oo ka kooban 3-qodob kuwaas oo ku saabsan Shaacinta Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo ansicinta Golaha Wakiilada ee Liiska Xildhibaanada Baarlamaanka 6-aad.

Musharxiinta oo maanta u qabsoomay shir degdeg ah ayaa ka hadlay waxa ay ku tilmaameen “liiska been abuurka ah” ee uu Madaxweynaha wakhtigiisu dhammaadka yahay u soo dhiibay Guddiga lagu muransanyahay ee Ansixinta Golaha Wakiilada.

Warmurityeedka ayaa ku xusan: “Sida uu uu caddeeyay Guddoomiyaha Guddiga xallinta khilaafaadka iyo xulista xildhibaanada liiska ayaan haysan sharciyadda hab-raacii rasmiga ahaa ayna ku badan yihiin xubno aan soo gudbisan araajididii saxda ahayd.”

Musharaxiinta ayaa isla qaatay qodobada soo socda:

1- Musharrikiintu waxay shacabka reer Puntland u caddaynayaan inaysan aqoonsanayn liis baal marsan habraacii lugusoo xuli jiray xubnaha Golaha Wakiillada.

2- Mushaarrixiintu waxay kaloo caddaynayaan inaysan doorasho ku galayn liiska sharicidarrada ah ee soo basay.

3- Musharrixiintu waxay uga digayaan Madaxweynaha maalmuhu u dhimman yihiin inuusan dalka u horsedin burbur, amni darro iyo qalalaase siyaasadeed, uuna isagu qaadi doono masuuliyadda wixii ka yimaada.

Go’aanka Musharxaiinta ayaa ku soo beegmaaya xilli laga dareemaya magaalada Garowe qulqul ciidan oo ka soo horjeeda Liiska ay xalay shaaciyeen guddiga Doorashada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM