​Maxaabiista Al shabaab laga qabtay oo Garowe la keenay [SAWIRO]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE- Waxaa caawa si diiran loogu soo dhaweyay magalada Garowe caasumadda Puntland ciidamada qalabka sida ee kusoo guulaystay howlgalka ka dhanka ah kooxda Shabaab ee dhawaan deegaano katirsan gobolka Nugal soo galay.

Ciidanka ayaa sidoo kale waday maxaabiis katirsan kooxdaasi, waxaana loo gudbiyay xabsiga iyadoo halkaasi ugu tagay Warsidaha GO oo kasoo qaaday Sawirro iyo muuqaalo kooban oo ka hadlaya sababaha ku kallifay inay mallayshiyada ku biiraan.

Maxabiista uu Garowe Online la kulmay, ayaa dhammaantood ka yaraan da'da 20 marka laga yimaado tiro aan toban gaarin, waxayna dhammaan sheegayaan in lasoo khalday islamarkaana qaybtood yiraahdeen waxbarasho ayaa naloo ballan qaaday sidaas ayaana kusoo tagnay.

Da'yarta ayaa qaybtood mallayshida Shabaab kujiray in kabadan 2 sano, kuwaasi oo ku xeeldheeraday dagaalka, waxayna warsidaha u xaqiijiyeen inay ridi karaan islamarkaana ku dagaallami yaqaan qoryaha cul-culus qaybtood.

Dhinaca kale, waxaa xabsiga daryeel caafimaad loogu yameeyay xubno mallayshiyada katirsan kuwaasi oo qabay dhaawacyo kala duwan oo qaybtood aad u liidato.

Mallayshiyadan ayaa dhammaan isku raacay inay ka yimaadeen gobollada Koonfureed sida; Baay, Jubbooyinka, Gedo iyo Hiiraan, waxayna tilmaameen inay doonyo kasoo raaceen deegaanka Xarar-dheere iyagoo tibaaxay inay ahaayeen ilaa Afar dooni oo hubaysan, waxayna intaasi raaciyeen inay soo habowday doontan kusoo xiratay deegaanka Garmaal iyagoo sheegay inay qayb ka ahaayeen kuwa xirtay Garacad siday noo xaqiijiyeen mallayshida uu Warsidaha Garowe Online la kulmay.

Arrintan ayaa aad loo soo dhaweeyay, waxaana magalada Garowe ka dhacay dabaal dag xooggan oo niyadda ciidanka lagu dhisayo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu khatar Ku yahay Nidaamka Federaalka iyo Jiritaanka Jubaland

Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu wado qorshe doorasho uu maamulkeeda kaligiis leeyahay, natiijadeedana uu sii ogyahay.

  • Puntland

    14-05-2025

  • 12:11PM

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM