Maxabiis xorriyadooda helay magalada Bosaso [Dhagayso]

Image

27 Octobar, 2015(GO)-Maxaabiis kala duwan oo ku xirnaa xabsiyada magalada Bosaso ayaa xorriyadoodii dib u helay ka dib markii maxkamaddu sheegtay in wax dambi ah lagu waayay.

Shakhsiyaadka maanta la sii daayay ayaa isugu jiray kuwa lala xiriirinayay inay ka tirsanyihiin ururka Al-Shabaab iyo ciidamo ka tirsana ilaalada madaxtooyada gobolka Bari. 

 

Gudoomiyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee gobollada Bari, Kar-kaar, Haylaan, Sanaag iyo Gardafuu, Cabdufitaax Xaaji Aadan ayaa sheegay in xorriyadooda dib u heleen sideed eedaysan oo qaybtood ka mid ahaayeen ciidamada Daraawiishta Puntland, halka kuwa kale lagu tuhmay inay ka tirsanyihiin ururka Al-Shabaab.

Dadka maanta la sii daayay ayaa kala aha; 

1-Nuunow Maxamed Madnuur
2-Maxamed Maxamuud Xassan
3-Cali Nuur Macalin
4-Bashiir Cabdi Dirir
5-Axmed Yaasiin Xirsi
6-Kayse Maxamed Cabdullaahi Faarax ciidanka Daraawiishta Puntland
7-Dable Bashiir Siciid Muuse ciidanka Daraawiishta Puntland
8-Dable Cabdiraxmaan Daahir Axmed ciidanka Daraawiishta Puntland.

Qaar ka mid ah maxaabiista oo la hadlay Idaacadda VOA-da ayaa sheegay in sharci darro loo haystay muddo ka badan Sannad.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM