Maxamad Siciid Moorgan oo looga adkaadey kursigii aqalka sare

Image
Image

GAROWE, Puntland- Maxamad Siciid Morgan oo u tartamayey aqalka sare ee Barlamanka Somalia ayaa lagaga adkaadey doorashada musharaxiinta oo ka dhaceysa xarunta aqalka wakiilada Puntland ee magaalada Garowe.

Codbixinta oo dhowaan soo dhamaatey ayaa Botaan Barre Samatar waxaa uu heley 38 cod halka Gen. Morgan coddadka mudanayaasha ka heley 27 cod.

Botaan Barre Samatar ayaa horey ugu jirin siyaasada Somalia isagoo wararku sheegayaan Inuu yahay Ganacsade muddo ku noolaa wadanka dibadiisa.

Kurisigaan oo ahaa kii ugu hadlayanta badnaa ayaa cidbixintaan waxay imaaneysa xilli General Morgan iyo xubno kale xafiiska  QM ee Somalia u diidey Iney kamid noqdaan aqalkaan.

Barlamanada maamulada Galmudug iyo Jubaland ayaa iska dhagatirey dalabka ka yimid xafiiska qaramada midoobey ee Somalia kuwasoo xildhibaano aqalka sare u doortey 2 xubnood oo xanibaad lagu soo rogey.

Doorashada Barlamanka aqalka sare oo socota ayaa la filayaa in maanta soo dhamaato iyadoo la filayo in 11 xubnood ee maamulka Puntland u matalaya aqalka sare la doorto.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM