Maxamed Cabdiraxmaan oo ka hadlay Shirkii Garoowe iyo Xaaladda Kala Guurka Puntland [Dhageyso]

Image

GAROOWE, Puntland - Maxamed Cabdiraxmaan oo ah siyaasi falan-qeeya arrimaha Soomaaliya, sidoo kalena xilal kale duwan horay uga soo qabtay Puntland ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay Goobjoog News kaga hadlay laba arrin oo kala ah shirkii gollaha iskaashiga dowlad goboleedyada ee Garoowe lagu soo gebagebeeyay 25-kii bishaan iyo xaaladda guurka ee dowladda Puntland.

Wuxuu sheegay in shirka Garoowe ku soo dhammaaday uu kaga muuqanayo daneysi ay madaxda maamullada hoosta ka wataan.

Khilaafka haatan taagan iyo doorashooyinka ku soo wajahan qaar kamid ah dowladaha xubnaha ka ah dowladda dhexe ayuu sheegay Maxamed Cabdiraxmaan in uu saameeyn ku yeelan karayo qabsoomidda doorashooyinkaasi.

Dowladda dhexe ayuu kaga digay in ay faragelin ku sameeyso arrimaha doorashooyinka dowlad goboleedyada isagoo u jeediyay in in ay u madaxbannaaneyso matalayaasha shacabka cidda ay soo doortaan.

Dhanka kale, Maxamed Cabdiraxmaan ayaa si qoto dheer kaga hadlay xaaladda Puntland oo uu ku nuuxnuuxsaday in la kala saaro siyaasadda iyo ciidamada

Wuxuu hoosta ka xariiqay in dhaqan ku cusub Puntland uu yahay dhacdo maalin dhoweyd ay baahiyeen warbaahinta qaar oo ay ku sheegeen “Saraakiil ka tirsan ciidamada in ay Garoowe ka taageereen dowladda federaalka”.

“Waxaan ka digayaa arrin waayadaan soo shaac baxaysay oo ahayd in la furo dastuurka oo rag odayaal ah ay doonayaan in baarlamaanka soo socda Puntland-ta cusub 2019-ka ay ku yeeshaan arrintaas waa wax aan maangal ahayn” buu yiri siyaasi Maxamed Cabdiraxmaan.

Maxamed Cabdiraxmaan oo ah aas-aasaha iyo gudoomiyaha guud ee Warsidaha Garowe Online, ayaa ugu dambeeyn, shacabka iyo xukuumadda waqtiga uu ka sii idlaanayo ee Puntland ugu baaqay in xil iska saaraan sidii doorashada madaxtinimada 08-01-2019-ka ugu dhici lahayd qaab nabadeed, iyadoo laga fogaanayo wax kasta oo dhiilo keeni kara.

Xigasha: Goobjoog News

Related Articles

Wasiirka Dirir: Dowladda Federaalka Heshiis Qarsoodi ah ayay la gashay Al-Shabaab

Hase yeeshee, Garowe Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karo sheegashooyinka uu wasiirku sameeyay.

  • Puntland

    21-06-2025

  • 04:58PM

Puntland oo Xaqiijisay in Hoggaamiyaha Daacish uu Ka Baxsaday Buuraha Cal-Miskaad

Wuxuu sheegay in dowladda Puntland ay ka hortagtay halis weyn oo ku wajahnayd Soomaaliya oo dhan.

  • Puntland

    16-06-2025

  • 08:47AM