Maxay ka wada hadleen Madaxweynaha dib loo doortay iyo musharaxiintii madaxtinnimada Puntland?

Image
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay in laga shaqeeyo midnimada iyo horumarka Puntland.

GAROWE, Soomaaliya - Madaxweynaha dib loo doortay Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la kulmay lmusharraxiinta u taaganaa xilka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, ka dib markii si nabad ah ay ku soo dhamaatay doorashada Puntland.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay boggiisa ku yiri: “Waxaan maanta Qasriga Madaxtooyada kulan Qado iyo is xogwareysi ah kuwada qaadanay
Musharixiintii u tartamay xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland 2024-2029.”

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay in laga shaqeeyo midnimada iyo horumarka Puntland ka dib doorashada, waxayna ku dheeraadeen muhiimadda ay leedahay in la iska kaashado sidii Puntland loo gaarsiin lahaa horumar.

Kulankan ayaa fursad u ahaa labada dhinac si ay u muujiyaan sida ay uga go’an tahay xaqiijinta mustaqbalka wanaagsan ee Puntland, sida ay ku dhawaaqeen qaar ka mid musharaxiinta ka qeyb galay kulanka.

Shalay ayay ahayd markii Xildhibaanada Golaha Wakiilada Puntland ay dib u doorteen Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, ka dib doorasho muran badan dhalisay, taas oo la filayo in ay qaabeeyso masiirka Puntland sanadaha soo socda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM