Maxay tahay fariinta uu Saciid Deni la wadaagay golahiisa wasiirada?

Image
Dhambaalkan ayuu madaxweynaha waqtiga ka dhacayo ka dhex-jeediyey kulanka asbuuclaha ee golaha xukuumada.

GAROWE, Puntland - Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Khamiista maanta ah waxa uu guddoomiyey shirka asbuuc laha Golaha Wasiiradda kaas oo ka dhacay xarunta Madaxtooyadda ee magaaladda Garowe.

Kulankan ayaa waxaa diiradda lagu saarey xaaladihii ugu dambeeyay ee Puntland gaar ahaan shaqooqooyinkii ka dhacay magaala madaxda 20-kii June, 2023 kaasoo galaaftey nolosha tobanan ruux.

Sidda uu ogaadey warsidaha Garowe Online, Deni ayaa sidoo kale waxa uu wasiiradda hor-sheegay qodobo ifinaya damaciisa muddo kororsiga iyo in uusan diyaar u ahayn wadahadal lagu xaliyo xaalada cakiran.

"Madaxweynaha waxa uu sheegay in odayaasha dhaqanka aan looga baahneyn siyaasadda isla markaana ay tahay in ay ku ekaadaan arrimaha reerahooda," ayuu yiri qof xog-ogaal u ah kulanka.

Isimada Puntland ayaa geed-fadhi u ah dhismaha iyo jiritaanka Puntland waxaana ay soo xulaan Xildhibaanadda 60-ka ah ee ka tirsan Golaha Wakiiladda kuwaas oo sii doorta hogaanka maamulka.

Balse, Deni ayaa waxa uu doonayaa in uu qaab hal dhinac ah uga talaabsado Isimada isaga oo raadinaya muddo kororsi iyo in uu xukunka baaqi kusii ahaado si uu mar kale isugu soo taago madaxtinimada Soomaaliya.

"Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu ka sheegay fadhiga golaha wasiiradda in uu fashil yahay guddiga doorashada TPEC loona wareegi doono PEC [Puntland Electrocal Commison]," ayuu raaciyey qofka xog-ogaalka ah.

Guddiga TPEC ayaa waxa uu astaan u noqdey ku dhex-milanka siyaasadaha iska soo horjeeda ee xukuumadda Deni iyo siyaasiyiinta kasoo horjeeda waxaana ay taasi hoos-u-dhigtey hufnaantooda shaqo iyo dhex-dhexaadnimadooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lugatoor: Soomaaliya Halis ayay ugu Jirtaa Inay Ku Laabato Dowlad La’aan Haddii Federaalka La Ilaalin Waayo

Khilaafka u dhaxeeya Puntland iyo dowladda federaalka ah ayaa gaaray meel sare bishii Maarso 2024.

  • Puntland

    22-09-2025

  • 02:08PM

Madaxweyne kux-geenka dowladda Puntland oo ka hadlay Shirka Nabadda ee PDRC

Shirka Nabadda ee PDRC oo socon doona saddex cisho, ayaa sidoo kale diirada lagu saari doonaa isbadalka Cimilada.

  • Puntland

    21-09-2025

  • 12:59PM