Maxay tahay sababta Puntland uga qeybgalaynin Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran?

Image

BOOSAASO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan C/llaahi Deni ayaa sheegay in Puntland aysan ka qeybgali doonin Shirka uu Xasan Sheekh iclaamiyay Ciidul Fitriga ee ka dhacay Muqdisho, 1-da iyo 2da bisha May, kaasoo ku yimid qabashadiisa cadaadiska beesha caalamka.

Deni ayaa xusay in sabaha Puntland uga baxday Shirka Wadatashiga Qaran December 2024 sababo dhowr ah oo ay kamid yahay ku-xad-gudubka dastuurka oo cuntubyo katirsan Xasan Sheekh bedelay, iyadoo aan heshiis laga gaarin wax-ka-bedelka.

Maadaama la jebiyay dastuurka, oo ah heshiis bulsho oo isku hayay shacabka Soomaaliyeed, wuxuu Deni tilmaamay in Puntland aysan u socon shirka Muqdisho, isagoo ugu baaqey Madaxweyne Xasan Sheekh inuu ka laabto arrimaha keenay fashilka shirkii ugu dambeeyay.

Deni ayaa sheegay in Puntland ay u taagan tahay marwalba isku keenida shacabka Soomaaliyeed iyo dib u dhiska dalka, isagoo carabka ku dhuftay in wali u taagan tahay qabashada wadaxaajood looga hadlayo masiirka Soomaaliya, oo hadda mugdi ku jira.

Jubaland ayaa la filayaa inaysan ka qeybgalin shirka Muqdisho, waxaana maqnaashaha labadan maamul ka dhigaysaa wadahadallada kuwa aan loo dhamayn, oo natiijadiisa kasoo baxdana adkaan doonto dhaqangelintooda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala kulmaya beesha Caalamka cadaadis ku aadan mideynta dalka iyo xalinta khilaafaadka siyaasadeed ee jira, isagoo lagu amray inuu qabto shir wayne, ay ka qeybgalayaan dhamaan saamileyda siyaasadda, ururada bulshadda, mucaaradka iyo Maamulada.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM