Maxkamadda Nugaal oo xukuntay nin haweenka kufsan jiray

Image
Image

Talaado, September 30,2014 [GO]- Wasaradda Haweenka iyo hormarinta qoyska Puntland ayaa qabatay kulan lagu soo dhoweynayey xukun ay shalay ridey Maxkamadda derejada koowaad ee Gobalka Nugaal.

Xukunka oo ahaa Labaatan sano oo xarig ah waxaa lagu ridey nin kufsaday haween badan islamarkaana caan ku ahaa tacadiyada ka dhanka ah dumarka kaasoo ay bulshadu u bixiyeen Jiite.

Ninka oo laga soo qabtay degmada Eyl ee gobolka Nugaal wuxuu falkii ugu dambeeyey ee kufsi ah kula kacay gabar uu kasoo qashaafay deegaan ka tirsan gobolka Sool.

Wasiirka haweenka Puntland Aniso Xaaji Muumin oo shir jaraa'id ku qabatay xafiiskeeda Garowe ayaa sheegtay inay muhiim tahay in cadaalada la hor keeno dadka gabood falka iyo tacadiga ku haya haweenka.

Waxay soo dhawaysay xukunka lagu riday ninkan oo dambiyo kala duwan lagu helay taasoo ay ka mid tahay jirdil iyo kufsi dhowr ah  iyadoo xustay inay ka go'an tahay sidii wax looga qaban lahaa tacadiga haweenka lagu hayo.

Haweenka ayay ku dhiirigalisay "Aniso Xaaji"  inay u istaagaan sidii xaquuqdooda loogu soo dhicin lahaa dhibanayaasha isla markasna cadaalada loo horkeeni lahaa dadka ku kacaya falalka liddiga ku ah dumarka.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM