Maxkamadda racfaanka Bari oo amartey in labo wariye lasoo xiro

Image

May 27, 2015 (GO)- Maxkamadda racfaanka ee gobolka Bari ayaa amar ku bixisey in lasoo xiro Wariyaha VOA ee gobolka  Bari Faadumo Yaasiin Jaamac iyo Wariye Yuusuf Maxamuud Yuusuf oo isaguna ka tirsan Idaacadda SBC.

Warqad kaso baxdey xafiiska guddoomiyaha maxkamadda racfaanka ee gobolka Bari Sheekh Axmed Cali Axmed oo ku socotey taliyaha saldhigga dhexe ee booliska Bari ayaa lagu amrey in labadaas wariye lasoo xiro.

Sababta waxaa lagu sheegay in labada wariye aflagaado iyo caga-jugleyn u geysteen garsooreyaal ka tirsan maxkamadda racfaanka.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Bari Cabdixakiim Xuseen ayaa diidey amarka maxkamadda isagoo faray ciidamada booliska inaysan xiri karin labadaas wariye.

Faadumo Yaasiin Garowe Online la hadashay ayaa wax lala yaabo ku tilmaantey eedeynta looso jeediyey, waxay sidoo kale sheegtay in uu nidaam darro yahay amarka kasoo baxay maxkamadda racfaanku.

Bahda saxaafadda gobolka Bari ayaa goor dhow si wadajir ah u qaban doona shir-jaraa'id oo ay arrintan uga hadlayaan.

HOOS KA AQARSIO QORAALKA MAXKAMADDA:

Madaxweynaha Puntland ayaa labo maalmood kahor sheegay in dowladdu tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonto warbaahintii loo arko inaysan dhex dhexaad ahayn. Waraysi uu siiyey idaacadda VOA ayuu sidoo kale ku sheegay inay jiraan qaybo kamid ah warbaahinta oo wareysta mucaaradka keliya islamarkaana baahiya dacyaadaha ka dhanka ah dowladda, arrintaasina tahay mid aan loo dulqaadan karin. HALKAN KA EEG

Arrintan ayaa kusoo aadaysa saddex maalmood kaddib markii magaalada Garowe lagu xirey labo wariye oo ka tirsan Radio Daljir. Sababta wariyeyaasha loo xirey ayaa ahayd kadib markii uu idaacadda ka baxay barnaamij dood ah oo lagu falanqeeyey waxqabadka xukuumadda Madaxweyne Gaas iyo dhaliilaha dadku usoo jeedinayaan. HALKAN KA EEG

Sidoo kale, waxaa todobaadkii hore muddo kooban shaqada laga joojiyey wakiillada Telefishinka SNTV u jooga Puntland, kaddib markii Wasaaradda Arrimaha Guduhu ku eedeysey in telefishinku baahiyey warbixin liddi ku ah qaabka Puntland u qaabishey qaxootiga ka imaanaya Yemen. HALKAN KA EEG

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM