​Mooshin laga keenay Duqa degmada Godob-jiiran

Image

GAROWE, Puntland- 14 kamid ah Xildhibaanada golaha deegaanka degmada Godob-jiiraan ee gobolka Nugaal ayaa maanta gudbiyay mooshin ka dhan ah Guddomiyahooda Yusuf Farax Geeso-weyne oo haataan doorashadiisa laga joogo lix bilood.

Mooshinkan oo loo gudbiyay Guddoomiye ku-xigeenka ayaa lagu sheegay in Mr Geeso-weyne kasoo bixi wayay ballanqaadyo uu sameeyay waqtigii lagu jiray doorashada islamarkaana aysan jirin wax shaqo ah oo la qabtay lixdii bilood ee u dambaysay.

Qaar kamid ah Xildhibaanada mooshinka keenay ayaa Radio Garowe u sheegay in Kalfadhigoodii u dambeeyay ku garwaaqsadeen in duqa degmada uusan wax shaqo ah fulin islamarkaana hareer maray sharciga golayaasha deegaanka ee Low No.7.

Eedaha loo soo jeediyay, waxaa kamid ah in duqa degmadaasi uu meesha ka saaray wada-shaqayntii kala dhaxaysay Xildhibaanada islamarkaana ku takrifal awoodeed sameeyay.

Waxaa suuro gali weyday waraysi  GO damcay inuu la sameeyo duqa mooshinka laga keenay.

Arrintan ayaa soo shaac-baxday xill maalmihii u dambeeyay uu socday dhaq-dhaqaaqyo ku aadan mooshinkan iyadoo mar sii horraysay xoghayaha degmada oo la hadlay Radio Garowe uu dafiray inuu khilaaf u dhaxeeyo Guddoomiyaha iyo golaha deegaanka degmada Godob-jiiraan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM