Mucaaradka oo ka soo horjeestay Guddigii Xallinta Khilaafaadka doorashada ee Deni

Image
Siyaasiyiintan ayaa si cad u diiday inay ka qaybgalaan doorasho ay guddigani hagayaan.

GAROWE, Soomaaliya - Shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen magaalada Garowe ayay siyaasiyiinta mucaaradka ku sheegeen inay diideen guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada ee uu dhawaan magacaabay madaxweynaha xilka kasii dagaya Siciid Cabdullaahi Deni.

Inta uu shirka jaraa’id ay ku guda jireen siyaasiyiintan ayaa ku nuuxnuuxsaday in doorashadu ay ku dhici doonto waqtigeeda, iyagoo ku baaqay in la xaliyo khilaafaadka, islamarkaana la qabto doorasho xalaal ah.

Musharax madaxweyne oo shirka Jaraa’id ka hadlay ayaa yiri: “Hadii la gaaro 8-da January oo guddigaagu shaqeyn waayo [Madaxweyne Deni], wixii ka dhaca Puntland adigaa ka masuul ah”.

Murashax Maxamed Faroole ayaa dhankiisa uga digay Madaxweynaha xilka ka sii dagaya Siciid Cabdullaahi Deni, in uu markale isku dayo waxa uu ku tilmaamay boobka doorashada Puntland.

Siyaasiyiintan ayaa si cad u diiday inay ka qaybgalaan doorasho ay guddigani hagayaan, waxayna sidoo kale ku baaqeen in albaabada loo furo wada-hadallada, lagana qayb-geliyo dadka siyaasadda u dhuun daloola arrimaha doorashada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM