Mudug: Dagaal kasocda deegaanka Balli-Busle

Image

GAALKACYO, Somalia- Dagaal culus oo u dhaxeeya Labo Malleeshiya Beeleed oo kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug, ayaa markale dib uga billowday saaka deegaanka Bali-busle ee Gobolka Mudug.

Dhawaqa Rasaasta Hubka culus, ayaa haatan laga maqlayaa duleedka Deegaankaas, kaasoo ay is waydaarsanayaan Malleeyshiyaadka dirirtu u dhaxayso, waxaan halkaasi kusii qul qulaya gurmadyo hor leh oo soo garaaya labada dhinac.

Dagaal oo u dhaxeeya Beelo xoolo dhaqato ah ayaa waxa uu salka ku hayaa aanooyin qabiil, iyo Duunyo lagu kala dhacay Waqooyiga Bari gobolka Mudug, sida ay noo xaqiijiyeen Saraakiisha gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Dagaalka haatan soconaya uu ka dhashay khasaaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Tirada Dhimashada ayaa la xaqiijiyay inay marayso 4 qof, waloow aan la xaqiijin karin inay afartaasi qof kawada tirsanyihiin labada dhinac iyo in kale.

Dadka Deegaanka ayaa soo foodsaartay cabsi badan oo ay ka muujinayaan Colaadda ka taagan Balli-Busle, kadib markii ay fashilmeen waan-waan ay wadeen maalmahan Odayaasha labada beelood.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo baaraysa gacmo shisheeye oo lala xiriirinayo kororka burcad-badeedda

Puntland waxay sheegtay in duqeymaha noocaas ahi ay dhaawici karaan iskaashiga…

  • Puntland

    21-08-2026

  • 07:55PM

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM