Munaasabadda Kowda Luulyo oo xalay Garowe laga xusay [SAWIRRO]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

July 1, 2015 (GO)- Sanad-guuradii 55aad ee kasoo wareegtey markii ay gobollada koonfureed ka xoroobeen gumeystihii Talyaaniga islamarkaana ay midoobeen gobolladii waqooyi iyo kuwii koonfureed ayaa xalay si weyn looga xusay magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Xaflad ballaaran oo ka dhacday xarunta madaxtooyada Garowe ayaa waxaa  kasoo qayb  galay Madaxweynaha Puntland, Madaxweyne ku-xigeenka, wasiirro, xildhibaano, sarakiisha ciidamada, isimmo iyo boqollaal dadweyne ah.

Madaxweynaha Puntland oo xafladda ka khudbeeyey ayaa ku dhaaraaday qiimaha xoriyadda iyo halgankii dheeraa ee loo soo galay in Soomaaliya noqoto dal madax bannaan.

Cabdiweli Gaas wuxuu sidoo kale xusay in midnimada iyo jiritaanka Puntland yihiin muqaddas, wuxuuna intaas raaciyey in Puntland gacan bir ah ku qaban doonto cid kasta oo soo faragashata xuduudaheeda iskuna dayda inay wax u dhinto jiritaankeda.

Mas'uuliyiin kale oo dowladda ka tirsn, isimmo iyo culimaa'uddiin ayaa sidoo kale madasha ka jeediyey khudbado nuxurkoodu u badnaa qiimaha xoriyadda iyo sida xilligan in badan oo dadka Soomaaliyeed ka mid ahi u illaaween.

Dhanka kale, kooxda Waaberi Puntland ee uu hoggaamiyo Abwaan Shube ayaa  goobta kusoo bandhigay suugaan noocyo badan leh, taas oo badankeed diiradda lagu saaray muhiimadda ay leedahay midnimadu.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM