Muqdishu: Madaxweyne Gaas iyo Madaxweynaha Galmudug oo heshiis kale wadda-gaarey

Image
Image
Image
Image

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli  Maxa'ed Cali Gaas ayaa heshiis Nabadeed kula saxiixday magaalada Muqdishu.

Heshiiska qodobadiisa ayaa waxa ay kooban yihiin:

1- In Labada dhinac ay sameeyaan Booliska isku dhaf ah, oo ka howlgaloo Goobaha Colaada,

2-  In la isku furo isku socodka dadka iyo Gaadiidka Gaalkacyo,

3 - in lasoo celiyo Dadkii ku baracakay Dagaalka,

4 - In lbada dhinac ay Kulan isagu yimaadaan Bisha Febuary ee sanadkan.

Heshiiska Gaas iyo Guuleed waxaa Goobjoog ka ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh, Ras'iisul Wasaare Cumar C/rashiid iyo Ergayga UN-ka Michael Keating.

Saxiixa hehsiiskaan ayaa imaanaya xilli is-afgaradyo hore kale oo jirey aysan waxba ka hirgalin madaama xubno ka tirsan xukuumada Gaas iyo saraakiil kale ee gobolka gabi ahaanba aysan jirin wadashaqeyn ku saabsan xiisada Galkacayo ka dhaxeyn Madaxweynaha Puntland.

Xubnahaas ayaa dano dhaqaale iyo kuwo soyaasadeed ka leh  muranka taagan xarunta gobolka Mudug.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM