​MUQDISHU: Puntland oo ka hadashay cayaarta baaqatay [Dhagayso]

Image

MUQDISHU, Somalia- Waxaa maanta lagu waday in magaalada Muqdishu caasumadda Somalia ka dhacdo cayaarta kama dambaysta ah ee koobka maamul goboleedyada kaasoo ay wada dheeli lahaayeen maamullada Puntland iyo Jubbaland.

Balse, cayaartan waxaa dib loo dhigay ilaa maalinta barri oo ku beegan 26 Julay, 2016, waxaana sababta loo baajiyay kasoo baxayay arrimo kala duwan in kastoo Puntland sheegtay inay la xiriirto codsi dhinacooda ka yimi.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda dhalinyada iyo cayaaraha Puntland Axmed Cabdalla Tigaana oo la hadlayay Radio Garowe ayaa ku tilmaamay cayaarta labada dhinac inay tahay mid aad u xiiso badan sidaasi darteed xulka Puntland soo dheeleen kulamo adag islamarkaana ku filnaan weyday hal maalin.

Wuxuu sheegay in go'aankan lagu gaaray kulamo iyo shirar ay la qaateen xiriirka, guddiga farsamada iyo wasaaradda cayaaraha sidaasi awgeed labada dhinac ku hishiiyeen.

Qaab cayaareedkii cayaartoodii  hore ayuu ammaanay Agaasime Tigaane, wuxuuna sheegay inaysan jirin wax dhaliilo ah oo ay ujeediyeen dhalinyarada isagoo ku ammaanay dadaalkii ay soo sameeyeen mudadii socday loollanku.

Maalinta Tallaada ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdishu lagusoo afmeero tartanka koobka maamul goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM