Murashax ku baaqay in Deni la soo xiro

Image

GAROWE, Sooomaaliya - Shirweynaha mucaaridka ee lagu qabanayo duuleedka magaalada Garowe ayaa waxaa khudbado ka jeediyay musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha iyo siyaasiyiinta ka soo horjeeda maamulka uu madaxweynaha ka yahay Siciid Deni, kuwaasi oo iftiimiyay siyaasadda guul-darreysiga ah ee uu maamulkan wado iyo cawaaqibka ka dhashay.

Musharaxa Madaxweyne Asad Dayaano ayaa tilmaamay in Puntland ay ku jirto marxalad adag oo u baahan samatabixin, isagoo ugu baaqay Madaxweyne Saciid Cabdalla Deni inuu si nabad ah xilka ku wareejiyo.

Dhinaca kale, Diyaano ayaa xaqiijiyay inay diyaar u yihiin inay qaataan dagaal oo ay Puntland badbaadiyaan haddii Madaxweyne Deni uu ku adkeysto inuu xukunka sii hayo ka dib marka uu dhamaado waqtigiisa dastuuriga ah.

“Iyada oo aan cidina naga dhiman ayaa rajeyneenaa in Deni uu xilka wareejiyo, hadii ay taa dhici weydo waa in lasoo qabtaa oo maxkamd la horkeenaa” ayuu yiri Murashax Madaxweyne Asad Diyaano.

Dawladda Puntland ayaa waxa ay ku jirtaa xaalad hubanti la’aan ah, taas oo saamayn ku yeelatay xasiloonideeda siyaasadeed, waxaana laga yaabaa in xiisaddu ay sii daba dheeraato, sida ay dadka u dhuun daloola arrimahaasi sheegayaan, haddii maamulka hadda jira uu samayn waayo tanaasul Puntland ku soo celinaya wadadii dimuqraadiyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM