​Musharaxa madaxweynaha Somalia Farole oo u dhoofay dalka Jabuti

Image
Image
Image
Image
Image

BOSASO- Musharraxa madaxweynaha Somalia Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamud Farole, ayaa maanta ka dhoofay magalada Bosaso xarunta gobolka Bari isagoo kusii jeeda dalka Jabuti.

Madaxweynihii hore Puntland Dr: Farole, ayaa safarkiisu salka ku hayaa casuumaad uu ka helay xukuumadda Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, isagoo ka qayb galayaa caleema saarka ku aadan dib u doorashada Geelle iyo dowladdiisa.

Waxaa sagootin loogu sameeyay madaarka Bosaso ee Bandar-qaasim, waxaana halkaasi ku sii sagootiyay mas'uuliyiin katirsan qaybaha kala duwan ee dowladda Puntland iyo saraakiil hore.

Waa safarkii koowaad ee ku tago Jabuti tan iyo markii uu magalada Garowe kaga dhawaaqay inuu yahay murashax u taagan hogaanka sare ee Somalia isagoo sababta is sharaxaadiisa ku sheegay soo afmeeridda nidaamka qabaliga ah ee 4.5, taasoo xukuumadda madaxweyne Xasan Sheekh ku fashilantay inay dalka ka gudbiso.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Puntland oo Qaabilay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya

Sidoo kale, kulanka waxaa si gaar ah looga hadlay hawlgalka ka dhanka ah argagixisada ee ka socda deegaanka Calmiskaad.

  • Puntland

    26-08-2025

  • 12:15PM

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM