Musharaxiinta gudoomiyaha Barlamanka Puntland oo loo codaynayo [Dhagayso]

Image

09 November, 2015(GO)-Waxaa hoolka Barlamanka Puntland ka socota codaynta musharaxiinta doonaya jagada Afhayeenka Barlamanka Puntland, waxaana xilkaasi u taagan saddex musharax oo kala ah; Axmed Cali Xaashi, Doobo-daareed iyo Xildhibaan Surcad.

64 Xildhibaan ayaa saaka soo xaadiray codaynta doorashada, waxaa ka qayb galay xubno matalaya bulshada rayidka ah, madax dhaqameed iyo culimaa'udiin

Codaynta ayaa u dhacaysa qaab qarsoodi ah sida ay sheegeen guddiga loo xilsaaray doorashada gudoomiyaha Barlamanka Puntland.

Musharaxiinta ayaa hoolka ka soo jeediyay, taariikh nololeedkooda iyo asbaabaha ku kallifay, inay u booskan isu soo taagaan.

Wararka aan ka helayno hoolka Barlamanka ayaa la sheegayaa codaynta wareega koowaad waxaa ku horeeya xildhibaan Axmed Cali Xaashi oo horey u soo noqday gudoomiyaha Barlamanka, waloow aan la tirin codadkii la dhiibtay.

GaroweOnline ayaa idiin soo gudbin doonta hadba sida wax u socdaan iyo cidda ku guulaysata hogaaminta Barlamanka Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo baaraysa gacmo shisheeye oo lala xiriirinayo kororka burcad-badeedda

Puntland waxay sheegtay in duqeymaha noocaas ahi ay dhaawici karaan iskaashiga…

  • Puntland

    21-08-2026

  • 07:55PM

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM