Musharaxiinta xilka madaxweynaha Jubaland oo khudbado akhriyey

Image
Image
Image
Image
Image

14 August. 2015 (GO)-Musharaxiinta u tartameysa xilka madaxtinimada Jubbaland ayaa maanta khudbadahoodii musharaxnimo ka hor akhriyey xildhibaanada Baarlamaanka  Jubbaland.

Afar musharax oo u taagan qabashada xilka madaxtinimada Jubaland ayaa ka hor jeediyey barnaamijkooda wax qabad Barlamanka hadii ay ku guuleystaan madaxtinimada Jubaland 

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan Madoobe oo kamid ah musharaxiinta u taagan xilka  ayaa Barlamanka u shegeey waxqabadkiisa hadii dib loo doorto. Axmed Madoobe sidoo kale waxaa uu sheegey in mudadii Labada Sano ahayd ee xilkaasi uu hayay uu qabtay shaqooyin badan, islamarkaana ay u harsan yihiin howlo kale oo dhameystir uga baahan,hadii dib loo doorto.

Hilowle Aaden oo ah isna Musharax u taagan markii labaad madaxtinimada Jubaland ayaa waxa uu halkaasi ka sheegay in hadii uu guuleysto uu ballan qaadayo in uu hormar weyn gaarsiin doono gobolada Jubbaland, sidoo kalena uu dhisayo ciidan xoogle.

Musharax Cismaan Xaaji Fayruus oo isna ah musharrax utaagan xilka madaxweynaha Jubbaland ayaa dhankiisa ka dalbaday baarlamaanka Jubbaland in codka ay siiyaan, si uu isbedal la taaban karo ugu keeno gobalada Jubbaland.

Ugu dambeyn Musharrax Maxamed Cismaan Yuusuf  oo kamid ah musharaxiinta u taagan xilka ayaa isna dhankiisa waxa uu ku dheeraaday waxyaabaha ugu mihiimsan ee xilligaan uu qaban doono, isagoona hoosta  ka xariiqay in dhaqaalaha Jubbaland uu waxbadan kusoo kordhin doono.

Maalinimada Berito ah, kuna beegan 15-ka August ayaa lagu wadaa in doorashada madaxtinimada Jubbaland ay ka dhacdo magaalada Kismaayo, halkaasi oo mas’uuliyiin iyo siyaasiyiin badan ku sugan yihiin,waxaana laga dareemayaa magaalada galgalka siyaasadeed ee ay wadaan Musharaxiinta u taagan xilka madaxtinimada Jubbaland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM