Musharixiinta Puntland oo war ka soo saaray go’aankii Isimmada SSC-Khaatumo

Image
Musharixiinta ayaa ka hadlay qodobo muhiim ah oo ku saabsan doorashada.

GAROWE, Soomaaliya - Musharixiinta u taagan xilka madaxtinimada Puntland ayaa Caawa soo saaray Shir jaraa’id ay kaga jawaabayaan mawqifka Isimmada SSC-Khaatumo ee ka baxixtaanka dowladda Puntland.

Musharixiinta ayaa ka hadlay qodobbo ay ugu muhiimsanaayeen in aan la soo xulin xildhibaanada Golaha wakiilada ku matala SSC-Khaatumo ka hor inta aan laga gaarin heshiis loo dhan yahay. 

Musharixiinta ayaa sidoo kale su’aal ka taagay hufnaanta soo xulista Xildhibaanada golaha Wakiilada Puntland, waxa ayna ku eedeeyeen Madaxweynaha dhawaan xilka ka degaya Saciid Cabdullaahi Deni inuu door ku leeyahay xulista.

Shirkan jaraa’id ayaa lagu yiri: “Madaxweynaha waqtigiiisu gabaabsiga yahay Siciid Cabdullahi Deni ayaa leh mas’uuliyadda cawaaqib xumada ka dhalata burburinta beelaha, abaabulka ciidan, iyo xaalad abuurka uu ka wado Caasimada Garowe.”

Musharaxiinta ayaa soo jeediyay in Ciidamada PMPF laga saaro Baarlamaanka, laguna badalo ciidamada Booliska ee hore u joogay.

Waxa ay sidoo kale ku baaqeen in guddiga ansixinta iyo xallinta Khilaafaaka doorashada ay kor joogteeyaan xubno ka socda golaha dhaqanka beelaha Puntland si looga baaqsado khalalaase siyaasadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM