Muxuu ka yiri Murashax Madaxweyne Asad Diyaano heshiiskii Itoobiya-Somaliland?

Image
Gen. Diyaano ayaa ka hadlay doorka dowladda Federaalka iyo doorka dowlad goboleedyada.

GAROWE, Soomaaliya - Murashaxa Madaxweyne Punrland Jeneraal Asad Dayaano ayaa maanta ka qeyb qaatay hadaljeedinta musharaxiinta u hanqal taagaya xilka madaxtinimada, isagoo si guud uga hadlay barnaamijkiisa doorashada, iyo heshiikii Itoobiya-Somaliland.

Jeneraalka ayaa carabka ku adkeeyay in madax banaanida iyo xuduudaha Soomaaliya ay yihiin lama taabtaan, wuxuuna sheegay in uu taageersan yahay mowqifka dowladda Federaalka ee ku aadan diidmada heshiis beenaadkii ay Somaliland la gashay Itoobiya.

“Waxaan ku garab-taaganahay dowladda Federaalka dhamaan arrimaha la xiriira xuduudaha bad, barri iyo hawada Soomaaliya,” ayuu yiri Jeneraalka.

Musharaxa Madaxweyne ayaa taabtay doorka dowladda Federaalka iyo doorka dowlad goboleedyada, isagoo carabka ku adkeeyay in labada dhinac ay leeyihiin mas’uuliyad iyo waajibaad.

Wuxuu intaas ku daray in wixii ay wadaagaan dowladda Federaalka iyo Puntland uu kala shaqeyn doono DF, si ay shacabka Puntland uga baaqan waxa ay leeyihiin sida uu hadalka u dhigay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamadda Puntland oo qabtey nin ku hubaysan walxaha qarxa

Howlgalkan ayaa xalay saqdii dhexe waxa uu ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Boosaaso.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 05:32PM

Puntland iyo Sweden oo ka shiray iskaashi dhanka mashaariicda horumarinta

Madaxweyne Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya, Joachim Waern.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 03:34PM