Muxuu ku yiri Madaxweyne Faroole khudbadii 1-aad ka dib tagistii Garowe?

Image
Madaxweynihii hore ayaa bogaadiyay doorkii ay Isimmada ka qaateen dhexdhexaadinta.

GAROWE, Soomaliya - Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland, Senator Cabdiraxmaan Faroole oo maanta gaaray magaalada Garowe, ayaa markii uu soo gaaray ka hadlay doorashada Puntland ee 2024-ka.

Cabdiraxmaan Faroole ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni go’aanka uu ku laalay doorashadii qof iyo cod ee lagu muransanaa, dibna loogu soo celiyo hanaankii hore.

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale bogaadiyay doorkii ay Isimmada ka qaateen dhexdhexaadinta dhinacyadii uu khilaafku dhex maray iyodadaalka ay ku bixiyeen sidii xal loogu heli lahaa khilaafka la xiriira hanaanka doorashada.

Madaxweynaha ayaa ku nuux-nuux saday in khilaafaadka jira ee doorashada lagu dhameeyo miiska wada xaajoodka, isagoo ku baaqay in Puntland aan la gelin xasilooni darro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM