​Muxuu salka ku hayaa socdaalka Puntland ee wasiir Maxamud Xayir?

Image

BOSASO- Waxaa maanta magalada Bosaso xarunta gobolka Bari soo gaaraay Wasiir ku-xigeenka wasaaradda maaliyadda dowladda Federalka Somalia ahna Mudane katirsan Barlamanka, Maxamud Xayir Ibrahim.

Mas'uulkan waxaa magalada Bosaso kusoo dhaweeyay xubno katirsan xukuumadda Puntland iyo ganacsato, waxaana wasiir ku-xigeenka wasaaradda ganacsiga Puntland uu sheegay inay kala shaqayn doonaan howlaha uu u socdo islamarkaana ay la tagi doonaan meelaha uu booqan doono.

Maxamud Xayir Ibrahim, oo warbaahinta kula hadlay madaarka Bosaso, ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay, wuxuuna kawaramay arrimaha safarkiisa khuseeyo, isagoo sheegay inuu ku sugnaan doono gobolka Bari islamarkaana tagi doono meelaha fog.

Wuxuu tilmaamay inuu howlo  ka qaban doono gobolka, waloow uusan warbaahinta u sheegin waxay yihiin, balse carrabka  ku dhuftay inay ka wadeen barnaamijyo hormarineed.

Warsidaha Garowe Online, ayaa isku taxallujiyay inuu u wax ka ogaado safarka wasiir Xayir, wuxuuna helay in socdaalkiisa  gobolka Bari qorshihiisu yahay qaabkii uu olole ku aadan raadsashada xubinta Barlamanka Imaandoona sannadka 2016-ka u samayn lahaa.

Xayir oo hadda labo jago isku haya, ayaa dadaal ugu jira qaabkii uu mar kale uga mid noqon lahaa Xildhibaanada lasoo xuli doono sannadkan, waxaana xusid mudan inay jiraan rag kale oo loollan adag ugu jira  booskaasi.

Kulamo xod-xodasho iyo codsi isugu jira ayuu la qaadan doonaa dhinacyada arrintiisu ku xirantahay, waxaana sida shirkiisa jaraa'id ku sheegay tagi doonaa qaybo kamid ah gobolka Bari.

Dalka Somalia, ayaa haatan waxaa ka socda  loollan adag oo loogu jiro labada aqalka ee Barlamanka, kuwaasi oo durba isa-soo sharaxeen xubno badan oo sheegay inay raadinayaan jagooyinkaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM