​Nabadoon Muuse Xaaji oo dhaawac u geeriyooday

Image

BOSASO, Puntland- Mid kamid ah waxgaradkii ugu caansanaa gobolka Bari ayaa maanta u geeriyooday dhawaac kasoo gaaray rasaas ay la dhaceen koox hubaysan 25 January, 2017 xilli uu ku sugnaa Bosaso.

Nabadoon Muse Xaaji Farah, ayaa la dhigay cusbitalka ku yaal xarunta ganacsiga Puntland iyadoo wixii taariikhdaas ka dambeeyay xaaladiisa caafimaad ay la tacaalayeen ehelkiisa.

Aas qaran ayaa loogu sameeyay magaalada Bosaso isla maanta, waxaana kasoo qayb galay xubno katirsan xukuumadda, maamulka gobolka Bari, kan degmada Bosaso, duubabka dhaqanka, culimada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Waxay tacsi u direen dhammaan ehelka iyo umadda Somaliyeed ee marxuumku ka tagay iyagoo tilmaamay inay aad uga xunyihiin weerarkaas lagu dilay Nabadoonka.

Majirto cid loo soo qabtay dilkaas iyo kuwo kale oo ka dhacay magaalada Bosaso, kuwaasoo lagu khaarajiyay mas'uuliyiin katirsan dowladda Puntland.

Habeenadii ugu dambeeyay ciidamada ammaanka ayaa waday baaritaano kala duwan oo lagusoo qabqabtay dad lala xiriirinayo kiisaskaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM