Nabadoonada Mudug oo la kulmey madaxweynaha Puntland

Image
Image

19 August, 2015 (GO)- Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali "Gaas" ayaa  hoygiisa magaalada Gaalkacyo kula kulmay nabadoonada gobalka Mudug.

Nabadoonada Gobalka Mudug ayaa waxaa madaxweynaha ka codsadeen in wakhti kordhin u sameeyo dadweynaha loogu baaqay inay ka baxaan dhulka dowladda ee ku yaala magaalada Galkacyo, kuwaas oo loo qabtay saddex maalmood .

Madaxweyne Gaas ayaa dhankiisa nabadoonada codsiga u jeediyey uga jawaabay in wakhti uu u kordhinayo oo keliya dadka ku adag tahay in si fudud uga guuraan , islamarkaana alaab fara badan u taalo dhismayaashaas, hanoqoto adeeg ganacsi iyo wixii lamid ah, balse dadka kale ayuu ugu baaqay in wakhtigii loo qabtay uga guuraan si hantidaasi gacanta dawladda ugu soo noqoto.

Madaxweynaha ayaa nabadoonada uu la kulmay u sheegay in dhulka dawladda ee laga saarayo dadweynaha aan lagu celineyn dadkale gacantood , balse loogu shaqeynayo danaha guud ee shacabka.

Magaalada Galkacayo ayaa tan iyo markii wareegtada lagu amrayo in laga baxo dhismayasha dowlada waxaa ka bilowdey guux farabadan oo dadku ku diidan yihiin in guryahaas baneeyaan.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo weli degmada Gaalkacayo ku sugan ayaa soo saarey wareegto uu ku amrayo in laga guuro dhismaayaasha dowladda ee sida sharci darrada ah loo degen yahay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni: Dalal Shisheeye ayaa doonaya inay Burcad-badeednimada u Adeegsanaya Boobka Khayraadka Puntland

Deni ayaa sidoo kale xusay hawlgalladii hore ee ciidamada badda ee dalalka shisheeye ay ka fuliyeen xeebaha Soomaaliya.

  • Puntland

    31-08-2026

  • 06:09AM

Dhulgariir cabbirkiisu yahay 6.0 oo ka dhacay xeebaha Puntland

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in dadka dhulka ku nool aysan dareemin gariirka, sababo la xiriira fogaanta uu dhulgariirku ka dhacay.

  • Puntland

    30-08-2026

  • 11:53AM