Nicholas Kay: Somalia iminka ma ahan dal guuldarreystay

Image

Kay ayaa sheegey in saddexdii sano ee u dambeysey wadanka la xasiliyey balse ay wali howl badani harsan tahay.

Dec 22, 2015 (VOA)- Sarkaalka ugu sarreeya ee QM u qaabilsan Somalia, ayaa sheegey in dalka Somalia uusan hada aheyn waddan guuldareystey balse uu yahay wadan bur bur ka soo kabanaya.

Nicholas Kay, ergeyga xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Somalia, ayaa sheegey in saddexdii sano ee u dambeysey wadanka la xasiliyey balse ay wali howl badani harsan tahay.

Kay ayaa sheegey in kooxda xagjirka Somalia ee Al-Shabaab aysan ku guuleysaneynin in ay iska indha tiraan horumarka la gaarey balse waxa uu xusey in doonista qaar ka mida kooxdaasi in ay ku biiraan ISIS ay tahay walaac dhab ah.

Nicholas Kay, ayaa xafiiska QM ee Soomaaliya ka tagaya dhammaadka bishan, waxaana lagu beddelay Michael Keating.

VOA

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM