​Nuur Shire oo looga adkaaday doorashada PUNSAA

Image

GAROWE, Puntland- Guddoomiyaha dalladda ururrada aan dowliga ahayn ee ka jira deegaanada Puntland, ayaa loo doortay Faysal Axmed Warsame oo loo yaqaano Faysal Qaran, kadib doorasho adag oo shalay ka dhacday magaalada Garowe.

Saddex murashax ayaa booskaas u taagnaa, waxaana ku jiray Guddoomiyihii hore ee dalladda Nuur Shire Cusmaan.

Golaha Guud oo ka kooban 90 xubnood ayaa dooranayay Mas’uuliyiinta dallada, waxaana booskaas kusoo baxay Faysal Qaran oo helay codad gaaray 53.

Guddoomiye ku-xigeenka waxaa loo doortay Mustafe Cabdullaahi Cabdi oo helay 50 cod.

Faysal Qaran ayaa hadal kooban oo uu jeediyay doorashada kadib, wuxuu sheegay inuu ku faraxsanyahay xilkan loo igmaday islamarkaana wuxuu ballan qaaday inuu si wanaagsan uga soo bixi doonoo.

Nuur Shire Cusmaan ayaa isna aqbalay natiijada codaynta, wuxuuna sheegay inuu la shaqayn doono mas’uulka cusub.

Faysal Qaran ayaa 20 sano ee u dambeeyay, wuxuu kamid ahaa ganacsatada waaweyn ee sida aadka ah looga yaqaano deegaanada Puntland, waxaana uu ka qayb qaatey arimaha samafalka halka uu xarumo caafimaad ka furey degaanada Puntland.

Doorashada Faysal ayaa waxaa soo dhoweeyey qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Puntland kuwasoo u arkey in xilkaan loo doortey qof  horey uga soo qayb qaadan jirey arimaha bulshada  xilli dalku ku jirey burbur.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo qabtay Ajaaniib sameynayay Kalluumaysi Sharci-darro ah 

Safaaradda Yemen ee magaaladda Muqdisho iyo hay’adaha kale ee Soomaaliyeed ayaa lagu wargeliyay arintan.

  • Puntland

    26-05-2025

  • 08:01AM

Deni: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu khatar Ku yahay Nidaamka Federaalka iyo Jiritaanka Jubaland

Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu wado qorshe doorasho uu maamulkeeda kaligiis leeyahay, natiijadeedana uu sii ogyahay.

  • Puntland

    14-05-2025

  • 12:11PM