Odayaasha dhaqanka gobolka Nugaal oo codsi hor dhigay TPEC

Image
Abaaraha daran ee ka jira gobolka Nugaal ayaa si wayn u saameeyay dadka iyo duunyada.

GAROWE, Puntland - Nabadoonada gobolka Nugaal ayaa war qoraal ah oo ay maanta soo saareen waxay ku dalbadeen in dib loo dhigo diiwaan-gelinta lagu muran-san yahay ee doorashooyinka Puntland.

30-kaan oday dhaqameed ayaa ka codsadey guddiga ku-meel-gaarka ah ee doorashooyinka Puntland in dib loogu dhigo diiwaan-gelinta sababo la xiriira abaaraha daran ee ka jira gobolka.

Odayaasha ayaa war-saxaafadeedka ku caddeeyay in xoolo dhaqatadii gobolka Nugaal ay u naq-raaceen gobalada Bari iyo Karkaar halkaasna laga diiwaan-geliyay.

Diiwaan-gelintaan oo ururada siyaasadda afar kamid ah ay qaadaceen ayna ku tilmaameen mid hal dhinac ah oo muddo kororsi xambaarsan ayaa dhawaan laga sameeyay gobalada Bari iyo Kar-kaar wallow tiro aad u yari-u-soo baxday, sida uu sheegay afhayeenka guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka, Cabdinuur Shiikh Maxamed Isxaaq.

Abaaraha daran ee ka jira gobolka Nugaal ayaa si wayn u saameeyay dadka iyo duunyada iyada oo keentay in bulshooyinkii reer guuraaga ahaa ay u hayaamaan gobalada kale si ay xoolaha ugu helaan biyo iyo baad.

Bayaanka dhaqanka ayaa sidoo kale Garowe Online ogaatay in lala wadaagay dhinacyada kale ee dowlada ee ku shaqada leh diiwaan gelinta. Xukuumadda Deni ayaan wax gurmad ah gaarsiin dadkan.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

No photo description available.

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne kux-geenka dowladda Puntland oo ka hadlay Shirka Nabadda ee PDRC

Shirka Nabadda ee PDRC oo socon doona saddex cisho, ayaa sidoo kale diirada lagu saari doonaa isbadalka Cimilada.

  • Puntland

    21-09-2025

  • 12:59PM

Puntland oo Ka Digtay Saameynta Isbedelka Cimilada iyo Faragelinta Dowladda Federaalka

Dhanka kale, Wasiirka ayaa eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo sheegay in faragelinta siyaasadeed.

  • Puntland

    21-09-2025

  • 11:29AM