​Odoyaal caddaalad darro ku eedayay madaxweyne Gaas

Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Mid kamid ah odoyaasha beelaha dega deegaanada Puntland, ayaa eedeeyay madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, kadib markii ay warbaahinta shir jaraa'id ugu qabteen magaalo madaxda Garowe.

Odoyaasha oo hormuud u ahaa Boqor Cabdullaahi Axmed Cali (Dabogooye), ayaa shirkooda diiradda ku saaray kursiga madaxweyne Gaas ka qaaday oo ku wareejiyay beel kale oo ay walaalo yihiin.

Qaar kamid ah duubabka dhaqanka, ayaa tallaabada madaxweyne Gaas kursiga kaga wareejiyay ku tilmaamay inaysan ahayn mid la aqbali karo, waxayna xuseen inay helayaan Xildhibaankooda, balse aysan ka harin doonin gabood falkii lagu sameeyay.

Jiif Caaqil Cabdi Cali Abokor, ayaa warbaahinta u sheegay in falka madaxweyne Gaas ku kacay aysan jirin cid ama qabiil lagu sameeyay iyaga ka sokow, isagoo dhammaan dhinacyada doorashadu khusayso u diray faariin uu ku dalbanayay in wax laga qabto caddaalad darrada lagula kacay beeshiisa.

Dhinaca kale Boqor Cabdullaahi Dabogooye, ayaa sheegay in wixii hadal ah ee ay oran kareen Madaxwene Gaas ka hor sheegeen, waloow uu tilmaamay inaan waxba laga qaban, isagoo intaas ku daray in wixii dhacay uusan ku kicin mas'uul ka horeeyay isaga.

Shirkan Jaraa'id ayaa dabo socday mid bishii hore beeshan sidaan oo kale ugu qabteen magaalada Garowe caasumadda Puntland, iyagoo ka biyo diidsan kursi Jufida [Hayaag] iska lahaayeen balse loo wareejiyay Jufida [Yaxye] ee beesha Dhulbahante.

Kursigaas oo dhawaan doorashadiisu ka dhacday magaalada Garowe, waxaa kusoo baxay mudane lagu magacaabo Sharmaake Garaad Saleebaan, inkastoo waraaq kasoo baxday guddiga khilaafaadka doorashooyinka heer Federaal lagu naqdiyay Xildhibaanimadiisa iyadoo la cadeeyay in lagu noqon doono.

Guddiga, ayaa 11-kaasi xubnood ku eedeeyay in kiiskoodu yaallo xafiiska, maadama sida ay sheegeen ka jiraan is-qab qabsi halka kuwo kale loo doortay sifo aan sharciga waafaqsanayn.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM