PL oo diiddey sahanka DF ee dadka Somalida [Dhageyso]

Image

May 27, 2015 (GO)- Puntland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantey natiijada sahan-qiyaaseedkii lagu sameeyey dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan 18kii gobol ee jirey burburka kahor, natiijadaas oo shalay Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Federaalku soo bandhigtey.

Wasiirka Qorshaynta Puntland Cali Axmed Faatax oo maanta xafiiskiisa Garowe shir-jaraa'id ku qabtey ayaa sheegay in sahankaasi yahay mid aan lagu kalsoonaan karin, wuxuuna intaas ku daray in natiijadaasi tahay mid qaldan oo aan diyaarinteeda laga wada tashan.

Wasiirka ayaa soo bandhigey sahan-qiysaadeed lagu sameeyey dadka Puntland kaasoo ku saleysan todoba gobol.

SAHAN-QIYAASEEDKA PUNTLAND SOO BANDHIGTEY:

Shalay ayey ahayd markii Wasaaradda Qorsheynta ee Dowladda Federaalku soo bandhigtey natiijada sahan-qiyaaseedkii lagu sameeyey dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan 18kii gobol ee jirey burburka kahor.

Sahanka oo la sameeyey intii u dhexeysey 2013-2014 waxaa lagu qiyaasey in wadarta guud ee dadka Soomaaliyeed tahay 12.3 milyan oo 51 % ay  yihiin  rag  halka  dhalinyaro  da'doodu ka hoosayso  35 sano ay  yihiin 75 % .

Tirada dadka dalka  gudahiisa  ku barkacay  waxaa lagu sheegay 9%  waxaa sidoo kale tirada dadka reer guuraaga ah lagu qiyaasay inay tahay 26 %. Waxaa  xusid  mudan in  dadka  qiyaasta lagu sameeyey  aysan  ku jirin Soomaalida ku nool dalka dibaddiisa .

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM