PDRC soo saartay baaq ku wajahan Gaalkacyo

Image

Hay'adda horumarinta Cilmi-baarista Puntland (PDRC) ayaa maanta oo Isniin ah soo saartey baaq ku wajahan xiisada ka taagan magalada Gaalkacyo, taasoo u dhaxaysa Puntland iyo Gal-Mudug.

Madaxa PDRC Mudane Cali Faarax Farmayeeri ayaa sheegay hay'addu inay ka xun tahay dagaalka ayna ku baaqayaan in nabadda laga wada shaqeeyo iyo daris wanaagan.

Qoraalka Hay'adda ayaa lagu yiri ''xaruntu waxa ay ugu baaqeysaa bulsahda reer Gaalkacyo iyo maamulladdaba in ay nabadda fursad siiyan, una hiiliyaan dadaallada loogu jiro nabadda, iyaga oo u dhaga-nuglaanaya,gacana ku siinaya sama-jecelayaasha usoo gurmaday in gacanta ka geystaan nabadda''.

Sidoo kale PDRC ayaa sheegtay inay muuqato ifafaalo nabadeed iyo daaallo xooggan oo loogu jiro xakameynta colaada iyo xal-u-hellida nabad waarta oo ka hirgasha mandiqadda guud ahaan.

Hay'addan ayaa mudo si gaar ah waxay uga shaqaynaysay nabadda iyo wacyi galinta shacabka sida isku xirkooda, wuxuuna baaqooda nabadeed kusoo aadayaa xilli magalada Gaalkacyo ku wada sugan yihiin Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, madaxda mamulada dalka waxaana lagu wadaa in go'aamo wax ku ool ahi soo baxaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM