PL oo cambaareysey weerarkii Mandheera ee 36da qof lagu diley

Image

December 3, 2014 (GO)- Dowladda Puntland ayaa si kulul u cambaareysey weerarkii 36da qof lagu diley ee shalay oo Talaado ahayd ka dhacay duleedka magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in weerarkaasi ahaa mid waxashnimo ah islamarkaana liddu ku ah bini aadamnimada.

Puntland ayaa sidoo kale tacsi u dirtey dowladda iyo dadweynaha Kenya, si gaar ah waxaa tacsi loogu diray ehelada 36-dii qof ee wararkaas lagu laayey.

Horay waxaa sidan si lamid ah weerarkaas u cambaareeyey ugana tacsiyeeyey Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Weerarka oo ka dhacay goob dhagaxa dhismaha loo adeegsado laga soo saaro oo qiyaastii 15km u jirta Mandheera waxaa mas'uuliyaddiisa sheegtay Ururka Al-shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM