PL oo diiddey guddiyada doorashada iyo xuduudaha ee federaalka

Image

July 7, 2015 (GO)- Dowladda Puntland ayaa ka hor timid labada guddi ee doorashooyinka iyo xuduudaha oo shalay Baarlammaanka Dowladda Federaalku cod aqlabiyad leh ku meel mariyey, horayna Golaha Wasiirradu u ansixiyeen.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Puntland oo loo gudbiyey beesha caalamka ayaa lagu sheegay in labadaas guddi  yihiin kuwo lagu soo xulay qaab aan sharci ahayn islamarkaana dhismahooda lagala tashan dowladaha qaybta ka ah federaalka.

Si lamid ah Puntland waxaa guddiyadaas ug qaadacdey Dowladda Jubaland oo iyadu dhowaan xiriirka u jartey Dowladda Federaalka, kadib markii mooshin laga keenay Baarlammaanka Jubaland.

Waxaa xusid mudan in dhammaan xubnaha labada guddi ee shalay la ansixiyey ay soo xushay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka, arrintaas oo sheki gelineysa dhex-dhexaadnimada guddiyadaas oo muhiim u ah masiirka dalka iyo Higsiga 2016.

Magacyada xubnaha Guddiga Doorashooyinka:

  1. Siciid Xaashi Warsame
  2. Maxamed Xasan Thaani
  3. Xuseen Cabdi Aaden
  4. Sayid Cali Sheekh Maxamed
  5. Maxamed Axmed Nuur
  6. Cabdiraxmaan Cismaan Dirir
  7. Maxamed Daahir Maxamuud
  8. Xaliimo Ismaaciil Ibraahim
  9. Khadiijo Cosoble Cali

Magacyada xubnaha Guddiga Xuduudaha:

  1. Muuse Waxgarad Cabdullaahi
  2. Liibaan Cali Sahal
  3. Maxamed Muxyadiin Sheekh Sahal
  4. Cabdullaahi Gacal Cabdi
  5. Abuukar Sheekh Cabdi Ibraahim
  6. Siciido Xasan Cusmaan
  7.  Xuseen Xaashi Xasan
  8. Cabdikhaaliq Cabdullaahi Xamza
  9. Khaliif Cabdikariin Maxamed

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM